Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa gaaray degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada hoose oo Muqdisho ujirta 30km.

Safarka madaxwaynaha ayaa ahaa mid dhulka uu ku maray , waxaana booqashadiisa ay kusoo beegmaysaa xilli cabasho ay ka imaanaysay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo isbaarooyin badan lasoo dhigay.

Amaanka wadada ayaa aad loo adkeeyey iyadoo isku socodka labada waddo ee Muqdisho iyo Afgooye maanta uu ahaa mid xiran.

Madaxwayne Farmaajo ayaa usoo gudbay degmada Baraawe ee isla gobolka Shabeelada hoose halkaasi oo Al-shabaab horay looga saaray.

Puntland-News24.