Maamulka Somaliland ayaa welwel ka muujiyay in xiligaan la qaado cunqabataynta hubka ee saarnayd Soomaaliya iyo qorshaha lagu dhisayo ciidamo Soomaaliyeed oo isku dhaf ah.

Wasiirka arimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo waraysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay shirka London ee arimaha Soomaaliya inuu yahay shir aan iyaga qusayn oo uu gaar u yahay aayaha Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay qodobada shirka kujira qaarkood inay caqabad ku noqonayso Somaliland gaar ahaana dhismaha ciidamo Soomaaliyeed oo awood leh.

Dhanka kale waxaa uu kasoo horjeestay ciidamo uu sheegay in laga qorayo degmada Buuhoodle oo maamulkooda gacanta ugu jirin kuwaasi oo uu sheegay dhibaatooyin hor leh inay abuuri karaan.

Shirka London ayaa furmaya 11ka bishaan iyadoo lagu taageeri doono ciidamada Soomaaliya , waxaana ka qaybgalaya inka badan 40- dowladood.

Puntland-News24.