Maamulka gobolka Banaadir ayaa soo saaray go’ aan looga mamnuucayo gaadiidka ciidamada AMISOM inay isticmaalaan wadada Maka Al-muakarama ee magaalada Muqdisho.

Wareegto kasoo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa lagu furay laanta ilaalinta nabad galyada wadooyinka inay arrintan dhaqan geliyaan oo ay la socdaan.

Ciidamada AMISOM ayaa lagu eedeeyaa inay dhibaatooyin kale duwan ka gaystaan wadada Maka Al-mukarama oo ah waddo mashquul badan , iyagoona gaadiidkooda qafilan jiirsiiya gaadiidka shacabka iyo dadka wadadan isticmaala.

Lama saadaalin karo inuu dhaqan geli karo iyo in kale go’ aankan kasoo baxay maamulka gobolka Banaadir.

Puntland-News24.