Hanti dhowraha guud ee qaranka ee dowladda faderaalka Nuur Faarax Jimcaale oo golaha wasiirada Soomaaliya ay xil ka qaadis ku sameeyeen kadib kulankoodii ay ku yeesheen magaalada Muqdisho ayaa kasoo horjeestay xilka qaadista lagu sameeyey.

Nuur Faarax ayaa sheegay inuu jirin xil laga wareejin karo qof isagoo aan ogolaan xilka laga qaaday , isagoona ku dooday in qaab sharci ah loo marin xilka qaadistii lagu sameeyey.

Madaxwaynaha iyo golihiisa wasiirada ayuu usoo jeediyay inay u hogaansamaan sharciga oo laga run sheego miisaanka iyo mansabka siyaasadeed ayuu yiri xeer ilaaliyihii hore oo hadlay kadib munaasabd xilka looga qaadayay oo shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Xil qaadistiisa ayaa ka dambeysay kadib dilkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee loogu gaystay marxuum Cabaas Siraaji wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska oo ay dileen ilaalada hanti dhowraha.

Hoos kadhagayso

Puntland-News24.