Madaxwaynaha dowladda faderaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta u dhoofay magaalada London ee dalka Ingiriiska oo uu ka furmayo shirka arimaha Soomaaliya.

Wafdiga madaxwayne Farmaajo ayaa waxaa ka mid ah madaxwaynayaasha Koonfur Galbeed, Hir Shabeelle iyo madaxwaynaha Galmudug ee dhowaan la doortay.

Magaalada Istambul ayay caawa uga sii gudbi doonaan London , iyagoo raacay diyaaradda Turkish Airways.

Madaxwaynayaasha jubaland iyo Puntland ayaa la filayaa inay saacadaha soo socda gaaraan London.

Shirka London ayaa waxaa ka shir guddoomiyanaya madaxwaynaha Soomaaliya , Raysal wasaaraha Ingiriiska iyo xoghayaha guud ee QM , sidoo kale shirka oo qaadanaya hal maalin ayaa warmurtiyeed laga soo saarayaa lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

Puntland-News24.