Waxaa istaagay guud ahaan isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee soo galaya kana baxayay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari , boqolaal gaari ayaana 24kii saac ee lasoo dhaafay ku sugnaa tuulada Ceeldaahir , kuwaasi oo ay usuurto geli waysay inay soo galaan magaalada Bosaso , dad badan oo doonayay xiligaan oo kulaylaha la gelayo inay xagaa baxaan ayaa iyaga iyo rarkooda dib ugu soo laabtay magaalada Bosaso kuwana wali waxa ay ku suganyihiin deegaanka Ceeldaahirv oo ay xalay seexdeen banaanada.

Go’doonkan ay ku jirto magaalada Bosaso waxa ay sidoo kale saamaysay ganacsigii iyo dad badan oo xanuunsan oo u socday arimo caafimaad.

Arimahan ayaa ka dambeeyey kadib roobabkii saacadihii lasoo dhaafay da’ay oo biyo xoog leh oo ay ka keeneen buuralayda Golis ay buux dhaafiyeen togga Ceeldaahir.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa saakay soo gaaray deegaanka Ceeldaahir isaga oo hogaaminayo saraakiil isugu jira hay’adda wadooyinka Puntland PHA iyo Enjineero , waxaana uu sheegay inay qiimayn ku samaynayaan.

Biyaha roobka ee buux dhaafiyay Togga Ceeldaahir ayaa kusii jeeda bad aha Hindiya iyo badda cas oo ay ku darsamaan, waxaana sanad walba taagan abaaro soo noqnoqda oo dadka iyo duunyada samayn ku yeelata.


Puntland-News24.