Ilo ku dhaw dhaw Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xaqiijiyay in maalinta biri ah Madaxweynha iyo Wafdi uu hogaaminaayo ay u dhoofi doonaan Magaalada Riyaad ee xarunta Dalka sacuudiga.

Madaxweynaha ayaa ka qeyb gali doona shirka hogaaminaaysha Carabta iyo Madaxweynaha Mareykanka Trump shirkaasi oo ah shir sanadkiiba ay mar yeeshaan hogaamiyaasha Islaamka iyo Madaxweynaha Mareykanka ee markaas Talada haaya.

Safarka madaxweynaha ayaa noqonaya Safarkii 8aad ee uu dalka kaga baxo waxa uuna sidoo kale noqon doonaa safarkii labaad ee uu ku tago dalka sacuudiga.