Nabadoon Saciid Aadan Xayle oo kamid ah Waxgaradka deegaanka Xaabo ee Gobolka Gardafuu- Puntland ayaa sheegay in dhalinyaro Kaluumaysato ah oo afduub u haysta dooni laga leeyahay dalka Iiraan ay ku hanjabeen in Maxkamadd ay la tiigsan doonaan shaqaalaha doonida saaran.

Nabadoon Saciid Aadan Xayle waxa uu Tilmaamay in ay la kulmeen dhalinyarada Afduubka u haysta doonida,islamarkaana ay u sheegeen in Maxkamadd ay la tiigsan doonaan Madaama ay kusoo xad gudbeen biyaha Sooamliya.

Nabadoonka Ayaa Sheegay in Dhalinyaradu u sheegtay in ay Doonida Iyo Shaqaalaha Saaran ay ku Wareejinayaan Dowlada Puntland, Si Maxkamada Loo Soo Taago Shaqaalaha Saaran Doonta Oo Si Sharci Daro Ah Uga Kaluumeysanayay Xeebaha Soomaaliya.

Puntland-News24.