Dunidda dal walba oo ka jira waxa uu leeyahay Wasaaradda Maaliyadda, aas-aaskii Dowladda Puntland 1998dii….Wasaaradda Maaliyadda waxay qeyb ka aheyd wasaaradihii dowladda ee xilligaas la magacaabay taas Madaxweyne Cabdilahi Yuusuf Axmed AUN ku abuuray Dekreeto Madaxweyne Lr. 01/98 ee 06/08/98, abuuristaas oo laga tixraacayey qodobka 13-naad ee Axdi-Qarameedka Dowladda Puntland.

(Midig) Wasiirka Maaliyadda Cabdilahi Shiikh (Bidix) Wasiirkii hore maaliyadda Shire X. Faarax

Doorashadii Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ka dib waxa uu January 28, 2014 – magacaabay 1. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda. 2. Axmed Yaasiin Saalax – Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda

Hal sanno, afar bilood iyo 19 beri ka dib kuna beegneyd – June 16, 2015 Madaxweynaha waxa uu mar kale isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada isaga oo xilligaas Wasaaradda Maaliyadda u magacaabay 1. Cabdullaahi Sheekh Axmed – Wasiirka Maaliyadda sidoo kalena mar labaad u magacaabay Axmed Yaasiin Saalax – Wasiir ku-xigeenka Maaliyadda

Ka dib, hal sanno, shan bilood iyo 11 beri kuna beegneyd November 27, 2016 ayuu mar kale wasaaradda maaliyadda ku kordhiyey Wasiir ku-xigeenka dakhliga ee Wasaarada Maaliyadda iyadda oo loo magacaabay Maxamed Jibriil Caateeye.

Maanta waxaa laga joogaa Lix bilood iyo 9 beri magacaabistii Wasiir ku-xigeenka dakhliga ee Wasaarada Maaliyadda Maxamed Jibriil Caateeye kuna beegan June, 5 2017 waxa uu mar kale Madaxweynaha Dowladda Puntland magacaabay Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan – Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda iyo Maxamuud Faarax Beeldaaje – Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyadda.

Horey, Wasaaradda Maaliyadda waxa ay u laheyd Saddex Agaasime Guud kuwaas oo kala ah.

1. Cabdirisak Maxamed Xassan – Agaasimaha Guud ee maamulka Wasaaradda
2. Cusman Buux Cali Agaasimaha Guud ee Furdooyinka iyo Dhakhliga 3. Cali Jamac Gashaan – Agaasimaha Guud ee Canshuuraadka.

Wasaaradda Maaliyadda ee Puntland oo uu hoggaamiyo Wasiirka, Wasiir ku-xigeenka iyo saddex Agaasime guud waxaa hoos yimaadaan 6 waaxyood

1. Waaxda Maamulka
2. Waaxda Qorsheynta, Tababarada iyo Tirakoobka
3. Waaxda Furdooyinka
4. Waaxda Canshuuraha Berriga
5. Waaxda Miisaaniyadda

“Cashuuruhu waa ilaha ugu muhiimsan oo dawlada dakhligu ka soo galo. Cashuurtu waa lacag bixin khasab ah (payment) oo ka timaada shakhsiyaad (Cashuur bixiyayaal) oo dawlada la siiyo si ay ugu daboosho kharashka ay dawladu ku gasho danta guud.” websiteka Wasaaradda Maaliyadda

Guud ahaan, Cashuuraha Puntland waxaa lagu kala saaraa iyadoo la raacayo nidaamka dawladu Cashuurta u ururiso.
Sidaas darteed waxaa loo qaybiyaa labo dabaqadood oo balaaran.

1. Cashuuraha Berigga
2. Cashuuraha Furdada

March 3, 2017 – Kulan dhex-maray Wasaaradda Maaliyadda iyo Bangiga adduunka loogana hadlayey dardargelin mashruuca Tayaynta iyo shaqo-qorista ( Capacity Injection Project ) ayaa ujeedkiisu ahaa sidii dib u habayn iyo dib u casriyayn loogu samayn lahaa Wasaaradda (Re-structured) isla markaana loo tayayn lahaa tayada iyo aqoonta shaqaalaha Wasaaradda, korna loogu qaadi lahaa dakhliga dawladda ayaa la isla gartay in Saddexdii Agaasime guud ee Wasaaradu laheyd lagu soo koobo hal agaasime guud oo keliya.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Maaliyadda ayaa laf dhabar u ah dawladda, isla markaana haddii xoogga la saaro sidii loo tayayn lahaa waxa ay saamayn lamahadiyo ku yeelan doontaa guud ahaan horumarka iyo adkaynta qiyamka aas-aasiga u ah dawladnimada Puntland.

December 13, 2016 – Miisaaniyadda Dowlada 2017ka ee baarlamaanka la horgeeyay ayaa lagu Qeexay dakhligaa Miisaaniyadda Dowlada iyo Kharaska Dowlada oo la isla ekeeysiiyay taasi oo ka dhigan sidan. $160, 5600,648 dollar.

Dakhligaasi ay odorosta dheer ku sameysay Wasaaradda Maaliyada Waxay ku sheegtay in bishii uu noqonayo koror dhan, $430,000 doolar kaasi oo ah Dakhliga Miisaaniyadda 2017 ka dhigaya $5,230,000.

Lacagaha been abuurka

Bosaaso sanadkii 2015, Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo wadda-shaqeyn ka helaya ganacsato ay isku qoys yihiin waxa uu Bosaaso ka hirgeliyey warshad yar oo lagu daabaco lacago been abuur Shilin Soomaali ah kuwaas oo saameyn weyn ku yeeshay guud ahaan Puntland.

Mushruuca lacag daabicista Xukumadda Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa ah mid sameyn weyn ku yeeshay dhaqaalaha, dadkuna waxay awoodi waayeen inay nolol maalmeedka caadiga ah helaan, qoysas badan ayaa maantay dhaqaale la’aan sababtay inay macluul ku hayso gudaha Puntland.

 

Mushaar La’aanta Ciidamada

Meelo badan oo ka mid ah Puntland waxaa ka dhacay gadood ciidan kuwaas oo ay uga cabnayaan mushaar la’aan taasi oo sababtay in maantay askar badan isaga baxaa taasi oo sharaf xumo iyo weji gabax uu ka qaaday Madaxweyne Cabdiwali.

Wasiiradda badan ee Wasaaradda Maaliyadda waxay muujinaysaa qorshaha madow ee Madaxweynaha Cabdiwali Gaas ku doonayo inuu dib kuriga ugu soo laabto iyadda oo wakhtiga xukumadiisa tahay gabo-gabo, isku dayga magacaabista wasiiradda tirada badan ayaa muujinaya kalsooni raadinta beelihii uu la doonayey inay Xildhibaano cusub ka helaan Gollaha Baarlamaanka Dowladda Puntland arintaan oo lagu xasuusto Dowladii Cabdiqaasim Salaad ee Carta taasi oo aheyd kursi ma haystaa aan wasiir ku magacaabee si aad gurigaaga u dhigto.

Dhaqaale yahay aan fahmin dhaqaalaha

Dr.Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) waa aqoonyahan ku xeeldheer cilmiga dhaqaalaha waxaana uu wax ku bartey Jaamacadii Soomaaliya ee gahayr sidoo kale waxa uu waxabarashadiisa sare ku sii dhamasytey dalka Maraykanka isaga oo haysta Master degree maamulka iyo maareynta kana qaatey Jaamacadda Harvard, Shahaadada Master degree Cilmiga Dhaqalaha  ka qaatey Jaamacadda Vanderbilt waxaana uu shahaadada Ph.D. ku qaatey Cilmiga Dhaqaalaha ee Jaamacadda George Mason University.

Madaxweynaha aqoontaas u leh arimaha dhaqaalaha ayaa markii uu xukunka qabtay 2014 Sarifka lacagta dollarka $100 dollar ahaa labo malyan iyo labo boqol oo shilin Soomaali ah halka maanta ka yahay saddex malyan iyo boqol kun oo shilin Soomaali ah, Dhaqaale xumadda waxaa shacabka u sii dheeraaday abaaro, dhaqaale xumo iyo colaado.

Su’aasha ayaa ah Madaxweynaha wasaaradda Maaliyadda ma waxa uu ka dhigay Wasaaradaha Maaliyadda maadama ay xilal hadda ka hayaan tiro ka badan kuwa aan horey u soo marin.

QORE: Cumar Shafdeero
E-mail: omshafdeero@gmail.com
Tell: +252-907-000777
Boosaaso,Puntland,Somalia