Kadib markii khilaaf xoogan oo sababey tiro kamid ah wadamada Khaliijka iyo Masar xiriirka u jareen wadanka Qadar ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Somalia uu soo fuuley culeys diplomaasiyeed.

Go’aanka wadamada Sucuudiga, Imaraadka carabta, Baxreyn, Yamen iyo Masar xiriirka diplomaasiyeed ugu jareen wadanka Qadar ayaa waxaa tageero u muujiyey wadamo kale kuwasoo ka eegey danahooda Siyaadadeed, dhaqaale ( Geopolitics). Wadamadaas ayaa waxaa kamid ah dalka Jordan iyo Jabuuti oo iyagu hoos u dhigey xiriirka diplomasiyeed ay la lahaayeen Doha.

Dowlada Somalia ayaa iyadana warsaxafadeed kooban oo lagu soo daabacey bogga Facebook uu ku leeyahay wasiirka arimaha dibada Yusuf Garaad ku sheegtey in khilaafka diplomasiyeed ee u dhexeeya wadamada Khaliijka ay ka  qaadatey mowqif dhexdhexaad ah halka dhinaca kale ku baaqdey iney dhexdhexaadin doonto wadamadaan.

Dhinaca kale qaladka siyaasadeed ay dowlada Federaalka gashay ayaa ahaa kadib markii tiro wasiiro ah oo ka tirsan xukumada Khayre maalin kadib go’aankii ay qaadatey, dalka Sucuudiga u dirtey, kuwasoo Daba joogey balanqaad lacageed ay boqortooyadu u sameysay Madaxweyne Farmaajo khilaafkaan ka hor.Wasiiradaan ayaa sida warbaahintu gudaha iyo dibada shaacisay Halkaan ka akhri safarkaas ku soo hungoobey iyadoo wax laga waydiiyey markii ay Riyadh tageen go’aankii siyaasadeed ay dowladoodu qaadatey.

Hadaba iyadoo laga fogaanayo danaha gaarka ah ee siyasadeed ee shaq-siyaadka sida kala duwan ugu xiran dowladaha gaar ah,  Madaxweyne Farmaajo oo aan ognahay inuu haysto  kal-soonida shacabka Somaliyeed ha qaato go’aan geesinimo leh uu wax uga badalayo go’aankii hore ee ahaa in dalka Somalia ka ahaanayo  khilaafka u dhexeeya wadamada Khaliijka dhexdhexaad.

Mowqifka dowlada Federaalka ee Somalia ee ahaa dhexdhexaad caasimadaha Sucuudiga iyo Imaraadka Carabta waxaa looga fasirtey in Villa Somalia taageertey dalka Qadar.

Wadanka Qadar dalka Somalia taariikhiyan ma jirto meel uu xiriir dhaqaale, siyaasdeed iyo mid xuduudeed kala leeyahay, sidaa darteed madaxda Somalida waa in ay raacdo halka danta shacabka Somalia jirto iyadoo laga fogaanayo caadifadaha.

Ugu dambeyn dowlada Federaalka Somalia ee madaxweyne Farmaajo waxaan ka codsan  lahaa in ay dib u eegto go’aankii dhexdhexaadka ahaa oo ay ka qaadatey khilaafka Khaliijka iyadoo sida aan ka warqabno siyaaaada casriga ee calaamka wadan walba siyasadiisa arimaha dibada ka eego sida Dantu ugu jirto.

M A FAROOLE