Qarax Dad ku Dhinteen oo ka dhacay Muqdisho

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay tiro kalena way ku dhaawacmeen, qarax ismiidaamin ah oo duhurkii maanta ka dhacay xarunta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.
Warar ayaa sheegay in la arkay meydadka illaa lix ruux oo daadsan halka qaraxa uu ka dhacay.

Ma jirto illaa iyo hadda cid ka tirsan maamulka degmada ama dowladda oo ka hadashay qaraxan oo dhacay abaare kowdii duhurnimo ee xilliga Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, oo ay sheegeen inuu fuliyey qof ismiidaamiyey oo watay baabuur.

Close

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker