Aqoonyahan Muuse Cali Jaamac oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ayaa ka hadlay Afar Degmo oo cusub oo toddobaadkiii hore ay ansixiyeen gollaha xukuumadda Puntland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdweli Maxamed Cali Gaas, kuwasoo kala ah Xumbeys, Shaxda, Dhubdhub iyo Bur-saalax.

Wuxuu sheegay in madaxweynaha Puntland uu ku xadgudbay shuruucdii iyo xeerarkii dalka uu yaalay, oo uu si bareer ah u sameeyay degmooyin aan lahayn adeegyadii asaasiga ee bulshadda ku nool u baahnaayeen

“madaxweynaha  isagoon xurmayn shuruucdii iyo qawaaniintii dalka u degsanayd oo ahayd in la sameeyo xeerar lagu maamulo degmooyinka iyo goboladda cusub ee la samaynayo, wuxuu si bareer ah oo rabitaan ah oo uu ku kasbanayo codadad xildhibaano, degmooyin jiray 54 sanno inuu kala jarjaro oo tuulooyin yar yar oo aan sina u qaadi karin xaga degaanka, xaga dadka, xaga dhaqaalaha iyo xagga baahiyaha asaasiga (Waxbarashada, caafimaadka iyo biyaha) oo raaligelin karin dadka degaanka uu saaxiibtinimo u bixiyo” ayuu yiri Muuse Cali Jaamac.

Dhinaca kale, degmada Bender Bayla ee gobolka Karkaar waxaa shalay ka dhacay mudaharaad Ballaaran  oo ay ka qaybgaleen dhammaan bulshadda ku nool degmadaasi kaasi oo looga soo horjeedo degmooyinka cusub ee gollaha xukuumadda Puntland ay ansixiyeen Toddobaadkii hore.

Halkan Ka Daawo Waraysi uu bixiyay Muuse Cali Jaamac oo kuu hadlayo arrimo badan oo ay ka mid tahay degmooyinka cusub ee La Sameeyay.