Warar aad loogu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in shalay ciidamada maraykanka iyo kumaandooska Soomaaliya ay shalay fuliyeen howgal ciidan agagaarka magaalada Baraawe.

Howgalkan ayaa Warar soo baxaaya sheegayaan inbartilmaameedku ahaa taliye sare oo alshabaab ah gaar ahaan Sheekh Cali Maxammed Raage (Cali dheere) inlagu dilay howlgalkii shalay ay fuligeen ciidama Soomaalida iyo Maraykanka.

Afhayeen u hadlay ciidamada huwanta waxay sheegeen in ay dileen Sarkaal ka mid ah Saraakiisha ugu muhiimsan Alshabaab.

Hadii warkan uu run noqdo wuxuu noqonayaa jabkii labaad ee ugu weynaa ee soo gaara  uruka Alshabaab.