Waxaa maanta dib u soo laabtay Adeegii Internet-ka Fibre Optic oo muddo 22 cisho ka maqnaa Gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka ayaa goor dhow dib ugu soo laabtay Adeega Internet-ka.

Internet-ka ay bixiyaan shirkadaha Isgaarsiinta sida Somtel, Hormuud iyo Global ayaa goor dhow dib ugu shaqeeyay dad badan oo uu ka maqnaa tan iyo 25-kii bishii hore.

Mudadii 20-ka cisho ee uu go’naa Internetka waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, iyadoo uu saameyn ballaaran ku yeeshay, ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada xawaaladeed ee dalka.

Faah faahinta iyo Qudbadaha Mas,uuliyiinta dowlada halkan kala soco.