Xildhibaan Burhaan Aadan Aw-Cabdi oo katirsan golaha wakiilada Puntland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay shacabka Puntland inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay , balse aan waxba dalka loogu qaban marka laga reebo sida uu yiri carruurta madaxda ee dibadda joogta in waxbarasho looga bixiyo.

Xildhibaanka ayaa hadalkiisa kusoo beegmay xilli Puntland ay ka jirto sicir barar sababay lacagihii ay xukuumadda soo daabacday iyo canshuuro cusub oo lasoo rogay.

1kii doolar ayaa gaaray taariikhda Soomaaliya qiimihii ugu sareeyey oo ah 31-kun oo Shilin Soomaali ah, waxaana loosababaynayaa warshadda lacagta daabacda ee ku jirta bankiga dhexe ee Bosaso.

Dhanka kale Garowe ayaa laga dareemayaa mowshin ka dhan ah maadxwaynaha oo ay wadaan golaha wakiilada kaasi oo ka dhashay hanjabaadihii uu madaxwaynaha dhowaan udiray ganacsatada.

Dhanka kale maadxwayne Cabdiwali Gaas oo shalay kasoo ambabaxay magaalada Gaalkacyo ayaa rasaas kusoo maray degmada Burtinle , kadib markii ilaalada madaxwaynaha iyo wafdigiisa ay diideen inay la hadlaan shacab doonayay dareenkooda inay u gudbiyaan madaxwaynaha Puntland , arrinkaasi oo si’ aad ah looga xumaaday.

Burtinle ayaa ahayd meeshii ugu horaysay ee madaxwaynaha Puntland ka bilaabay olilihii doorashada ee uu ku balanqaaday isbadalka.

Puntland-News24.