Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Markii ugu horeysay sameeyay Ciwaan ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku soo gudbin karaan Aragtidooda,sida Figradaha,Talooyinka iyo Cabashada intaba.

Ciwaankaan uu sameeyay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre ayaa ah Fariimaha@opm.gov.so,waxaana Arrintaan ay Fursad siin doontaa dad badan oo aan horay u haysan Meel ay Cabashadooda iyo Figraddooda ku gudbiyaan.

 

Arrintaan ayaa u sahlaysa madaxda inay wax badan ka ogaadaan baahiyaha bulshada Soomaaliya , taasi oo haddii ay fuliyaana keeni karta inuu dalka hagaago.

Puntland-News24.