Gen Cabdulaahi Siciid Samatar oo ka mid ah aasaasyaashii Puntland wax ka dhisay , sidoo kalena xilal kale duwan kasoo qabtay  Puntland ayaa ka digay dib u furid dastuurka Puntland in lagu sameeyo.

Gen- Cabdilaahi Siciid ayaa sheegay haddii dastuurka dib loo furo ay keeni karto dhibaato , waxaana dhanka kale uu xusay beelaha ka cabanaya kuraasta baarlamaanka in lagu qanciyo xilal kale , balse arrinta dastuurka ay tahay mid khalkhal ku keeni doonta Puntland haddii dib loo furo ama baarlamaanka la kordhiyo.
Hadaha Hoos ka dhagayso Waraysiga uu layeeshay Wariye Maxamuud Cabdi ibraahin oo katirsan Bahda Puntland News24.com.