Waxaa magaalada Seattle ka dhacay xaflad heersare ah oo lagu xusayey sannad guuradii 19-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Dowladda Puntalnd ee Soomaaliyeed oo sannadkii 1998 dhidibada loo taagay xilli uu waddanku ku jiray dagaallo sokeeye.

Boqolaal dadweynaha Seattle ku dhaqan iyo deegaanada ku xeeran ayaa kasoo qayb galay xafladdaan ballaaran ee ay qaban qaabinteeda lahayd jaaliyadda Puntland ee Gobolka Washington State ee waddankaan Maraykanka.
Xafladda waxaa ka hadlay waxgarad iyo aqoonyahan kala duwan oo uu ku jiro guddoomiyaha Jaaliyadda Nuune Diiriye Dhegewayne, iyadoo guud ahaan ay dadku soo jeediyeen dhiirri gelin iyo talooyin ku aaddan shacabka Reer Puntland dal iyo gudoba iyo sidoo kale xukuumadda madaxweyne Gaas intaba.
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane Camay ayaa sidoo kale khadka taleefoonka uga soo qayb galay xafladda, isagoo halkaas ka jeediyey hadal dheer oo uu uga hadlay taariikhda Puntland, halkii ay soo martay iyo halka ay maanta taagantahay.
https://youtu.be/E9dKV0MUIds
https://youtu.be/E9dKV0MUIds
USA