Baarlamaanka Puntland ayaa ansixiyey Golaha Wasiirada cusub ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweyne Gaas, kulanka waxaa joogay Madaxweyne Gaas oo ka codsaday xildhibaanada in duuduub lagu ansixiyo Golaha Wasiirada.

Cod ayaa la geliyey Baarlamaankuna wuxuu isku raacay duuduub in lagu ansixiyo, cod gacan taag ah ayaa loo qaaday Xasaanad siinta Golaha cusub.

61 xildhibaan ayaa codsiiyey oo ansixiyey Golaha wasiirada, 3xildhibaan ayaa ka aamusay mana jirin cid diiday, kulanka waxaa fadhiyey 64xildhibaan.

Madaxweyne Gaas ayaa uga mahadceliyay Baarlamaanka ansixinta Golaha wasiirada.