Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun, Marxuum Dr. Maxamed Jaamac Salaad Takar oo ahaa dhakhtar Soomaaliyeed muddo dheer ka shaqeynaayey arrimaha caafimaadka isaga oo takhasuskiisu ahaa cudurada ku dhaca madaxa iyo neerfayaasha ayaa ku geeriyoodey dalka Talyaaniga Isbitaal ku yaala halkaas oo ku xanuunsanaa.

Marxuum Dr. Maxamed Jaamac waxa uu ahaa shakhsi ku weyn bulshada Soomaaliyeed, Wuxuu ka mid ahaa barayaashii kuliyaddii caafimaadka ee Soomaaliya, waxa uu ahjaa asaasiihi Jaamacada caafimaadka ee Gaalkacyo, waxaana uu gacan ka geystey wax ka qabashada iyo qaliinka kumaankun qof oo Soomaaliyeed oo caafimaad u baahnaa. Rabbi ha u naxariisto, ehelkii iyo qaraabadii uu ka tegeyna Samir iyo iimaan.

Dhanka kale waxaa shalay geeridiisa la soo sheegay Axmed Maxamed Cali (Axmed Kismaayo) oo ahaa suxufi, qoraa si weyn looga yaqaaney geyiga Soomaaliya. Axmed Kismaayo ayaa muddooyinkii danbe ku xanuunsanaa dalka Hindiya halkaas oo ugu danbeyn ku geeriyoodey maanta. Axmed Kismaayo waxa uu ka soo shaqeeyey BBC Laanta Afsoomaaliga, wuxuu ahaa qoraa Soomaaliyeed oo ka tegay buug dhaxal gal ah, sidoo kale waxa uu noqdey guddoomiyihii guddiga kumeelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland, taas oo uu iska casiley sanadkii hore waxaana uu arrimo caafimaad u aadey dalka Hindiya.

Tacsidan Waxaa Diraaya .

1.Gen.Cabdulaahi Siciid Samantar

2.Abuukaate.Maxamed Abshir Cumar

3.Gen.Yuusuf Axmed Kheyr

4.Ugaas Abshir Siciid

5.Cabdinuur Geelle Cumar

6.Xirsi Muuse Xirsi

7.Cali Khaalif Yuusf

8.Sharmaake Maxammed Abshir

9.Muxayadiin Cabdulaahi Abshir

10.Cumar Khaalid Yuusuf.

Dhamaan dadka kor ku xusan Waxay tacsi khaas ah u dirayaan Dhamaan unada Soomaaliyeed khaasatan eheladii iyo Qaraabadii ay ka geeriyoodeen Labada Marxuum in ilaahay samir iyo Iimaan kasiiyo.

Aamiin aamiin