Muddo yar kadib markii baarlamaanka Puntland uu kalsoonida kala laabtay dhammaan golihii wasiirada, ayaa madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas waxaa uu soo dhisay gole wasiiro ah oo intooda badan ay horay shaqada u joogeen.

Wakhti yar kadib gobolada kala duwan ee Puntland iyo baraha ay bulshadu ku xiriirto, waxaa qabsaday hadal haynta sababta wasiirad Anisa Xaaji Muumin ay uga mid noqon wayday wasiirada cusub.

Shacabka ayaa muujiyay sida ay uga xunyihiin tallaabadaas, waxayna u arkeen in wasiirad Anisa ay shaqo fiican dalka u haysay.
Odayaasha beesha ay kasoo jeedo wasiirad Anisa Hajimumin oo shir ku yeeshay dalka Ingiriiska ayaa dhankooda arrintaas ku tilmaamay mid nasiib xumo ah, isla markaana aan laga fiirsan.

Shir jaraa’id oo ay qabteen ayay ku sheegeen in Anisa Xaaji ay tahay qof qaran isla markaana aanay ahayn qof qabiil gaar ah metesha.
Maxaa u qabsooamay W/Haweenka Puntland mudadii ay joogtay Anisa Cabdiqaadir X. Muumin?.

Tan iyo markii la dhisay xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo C/wali Cali Gaas, waxaa isbedel muuqda laga dareemay shaqada ay bulshada u hayso wasaaradda arimaha haweenka iyo qoyska ee Puntland.

Waxaan qormadan si kooban ugu eegaynaa wax qabadkii wasaaradda tan iyo sanadkii 2014-kii.Maamulka wasaaradda ayaa dejiyay siyaasado lagu hagayo shaqada mudada soo socota, iyada oo si faah-faahsan mid walba loo qeexay, waxaana kamid ah:-

Siyaasadda daryeelka dadban ee caruurta dayacan.
Siyaasadda ka hortaga gudniinka gabdhaha.
Siyaasadda horumarinta haweenka
Siyaasadda guud ee caruurta Puntland
Wasaaradda ayaa sidoo kale dejisay qorshe hawleedyo dhowr ah, kuwaasi oo intoodii badnayn ay hirgaleen.

Qorshe howleedyada

Qorshaha qoondada miisaaniyadda haweenka
Wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska dowladda Puntland ayaa dhameystirtay isla markaana daahfurtay qorshaha qoondada miisaaniyadda Haweenka, qorshu wuxuu xooga saarayaa in haweenka loo sameeyo miisaaniyad u gaar ah howlahooda.

Qorshaha taaba gelinta Jinsiga

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa daah-furay qorshaha taaba galinta jinsiga , oomihiimada siinaya in haweenka laga qayb galiyo dhamaan shaqooyinka ka socda wadanka.

Mashaariic kala duwan oo si toos ah u taabanaya dadka shacabka ah ee reer Puntland ayay W/Haweenka iyo arimaha qoryska oo kaashanaysa hay’adaha kale ee dalwada iyo kuwa caalami ahba ay ka hir gelisay gobolada kala duwan ee Puntland.

Mashaariicdaas waxaa ugu waawayn:-
Mashaariicda horumarineed ee haweenka iyo caruurta.

Mashruuca taakulaynta qoysaska danyarta ah.
Mashruuca daryeelka caruurta ee Norad
Mashruuca daryeelka caruurta aan walidkood la noleyn ( Foster Care Project ).

Mashruuca horumarinta haweenka (Civsam)
Mashruuca (Snap) oo ka shaqaynaya ka hortaga tacadiyadda iyo daryeelka caruurta
Mashruuca daryeelka caruurta horumarinta haweenka ee (Irish Aid).

Mashruuca dhowrista caruurta ee Child Protaction

Dhismayaasha Xarumaha Wasaaradda Haweenka Puntland ee la hirgeliyay intii ay xilka haysay Anisa Xaaji Muumin.

1-Dhismaha Xarunta Haweenka ee Boocame.
2-Xarunta Haweenka ee Xarfo.
3-Xarunta Haweenka ee Badhan.
4-Xarunta Haweenka ee Gol-dogob
5-Xarunta Haweenka ee Carmo.
6-Xarunta Naafada Puntland.
7- iyo ugu danbeyn Xarunta dhexe ee Wasaaradda oo loo dhisay qaab casri ah oo ka duwan qaabkii hore ee loo dhisi jiray guryihii hore ee dowladda.

W/Q. Suldaan Maxamed Xaaji