Warar aad loogu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegayaan in Madaxda Puntland ay sanadkan ay soo xajiyaan Gaar ahaan Madaxweynaha iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Madaxweyne Gaas iyo Wafti uu Hogaaminaayo ayaa Saaka gelinkii hore ee maanta Diyaarda khaasa kasoo qaatay Magaalada Garoowe kuna yimi Magaalada Boosaaso waxaana suura gal ah in isla maantaba ay ka dhoofaan Magaalada Boosaaso iyaga oo gudanaaya Waajibaadka Xajka.

Shalay ayey ahayd markii Madaxtooyada Puntland ay soo saartay Warsaxafadeed ku qoran luuqada ingiriiska taas oo ay Dowlada Puntland ay cadaysay Mowqifkeeda ku aadan Arimaha Khalijka welise waxaan ka hadlin Dowlada Federaalka ah maadaama ay Puntland ka mid tahay Xubnaha ka mid ah Dowlad Goboleedka Soomaaliya.

Waa markii ugu horaysay  Madaxweyne Puntland oo xil ka haya  in uu soo Xakahayo.

Inkasta oo Madaxda Hada Hogaamisa Puntland lagu eedeenaayo lunsasho Hanti lagaceed  marka shacabku waxay shaki gelinayaan Waajibaadka xajka in uu noqondoona mid shuruudihiisa ay wax ka dhiman yihiin.