Xaaraan waxaa lagu qeexaa wax walba oo ilaahay uu ka xarimay addoomadiisa inay la yimaadaan, taasi oo keeni karta ciqaab xagga rabbi adduun iyo aakhiro, waxaana ka mid ah  wax walba oo umadi leedahay oo loo isticmaalo si ka duwan sidii loogu talagay, waxaana laga dhaxlaa ciqaab adduun iyo aakhiro.

Dhibaatooyinka lagu tuso dadka cuna maalka xaaraanta ee Eebbe uu xarimay in la cuno waxaa ka mid ah iimaanka oo daciifa,ducada iyo cibaadada oo aan la aqbalin,  qofka oo mar walba ay ku filnaan wayso wax walba oo uu helo, dhibaatooyin xagga caafimaad, wax walba oo soo gala qofka oo barakada laga qaado, tarbiyada carruurta iyo guriga oo ka luma iyo wixii uu qaato oo mar walba ku baxa meel aan wanaagsanayn.

PuntlandNews24 ayaa akhristayaashiisa la wadaagaya darsi diini ah oo kasoo saaray Sheekh Ummal.

 

Puntland-News24.