Dowladda yar ee Qadar ee ay go’doonka geliyeen dowladaha Khaliijka oo uu ugu horeeyo Sacuudi Carabiya ayaa soo dhoweysay go’ aan kasoo baxay dowladda Sacuudiga.

Dowladda Qadar ayaa sheegtay inay soo dhoweynayso go’ aanka Sacuudiga oo uu ugu ogolaaday muwaadiniinta Qadar inay gutaan rukniga xajka oo ka mid ah tiirarka ugu waawayn ee Islaamka.

“Markii horeba dowladda Sacuudiga waxaa ay siyaasad ka laheyd qorshihii ay xujeyda ugu diiday Xajka”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiirka arimaha dibadda Qadar Sheekh Maxamed Binu Cabdiraxmaan Al-thaani.

Tan iyo bishii June markii isbahaysiga Sacuudiga uu hogaamiyo ay cunaqabataynta badda, safar iyo socdaal ay kaga soo rogeen dalalkoodka waxaa  waxaa wal-wal xooggan uu lasoo dersay xujeyda, waxaana la arkayay xujey badan oo aadeysa waddamo kale si ay halkaasi uga soo aadaan dalka Sacuudiga.

Puntland-News24.