Wiil yar oo 12- sano jir ah ayaa xalay isku dilay degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kadib markii uu ku cayaaray bastoolad uu lahaa aabihii oo katirsan ciidamada dowladda faderaalka gaar ahaana militariga.

Wiilkan oo magaciisa lagu sheegay Cadnaan Cabdi Cali ayaa ku cayaarayay bastooladda oo aabihii uu lahaa, rasaasna ay kujirtay, waxaana arintan siwayn uga naxay dadka deegaankaasi.

Ciidamada dowladda iyo masuuliyiinta dowladda ayaa inta badan qaata hub kuwaasi oo ay guryahooda la tagaan, waxaana aad u yar taxadarka xiliyada qaar.

Puntland-News24.