Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi Raajicuun:
Waxaan ka tacsiyaynayaa dhacdadii xanuunka badnayd ee maanta ka dhacday deegaanka Bariire ee gobolka Sh/Hoose, taasoo lagu laayey dad rayid ah oo beeralay ah & caruurtooda, kuwaasoo ay ku jireen caruur yaryar ah oo da’dooda la iigu sheegay 8, 9 iyo 10 sano jir iyo dad waayeel ah oo 70-sano ka weyn, kuwaasoo caaway maydkoodu ku baryayo qaboojiyaasha magaalada Muqdisho.

Waxaa wax laga xumaado ah in wasiiro xukuumadda ka tirsan ay si aan mas’uuliyadi ku jirin uga hadleen dhacdadaan ayagoo isku dayaya in ay marin habaabiyaan umadda, kuwaasoo ku hor ceeboobay shacabka Soomaaliyeed ka dib markii ay dadkaas rayidka ah ku sheegeen Alshabaab la laayey, ayagoo sidii dad aan miyir qabin waraaqo is-burinaya iyo hadalo kala jeeda soo saaray muddo kooban gudaheed, taasoo shakki galinaysa mas’uuliyadda ay wasiiraddaasi sheeganayaan iyo kalsoonida lagu qabi karo hadaladooda wixii hadda ka danbeeya, waqti ay dawladda maraykanku jiritaanka arintaas war ka soo saartay, joornaalada ugu waaweyn maraykankana ay qirteen in dad rayid ah la laayey.

Ma jirto hawlgallo kala duwan oo maanta ka dhacay Bariire, waxaa dhacay oo kaliya hal hawlgal oo ah midka dadka rayidka lagu laayey AUN, warka wasiir Yariisow uu ku nasaqay kiisii horena waa been-abuur aan waxba ka jirin.

Waxaa soo dhamaaday shir xildhibaanada, odoyaasha dhaqanka, qaar ka tirsan wasiirada ka soo jeeda dadkaas la laayey iyo Raysulwasaaraha iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka goor dhow ugu soo dhamaadey, kaasoo la isku raacay in war degdeg ah xukuumaddu ay ka soo saarto dhacdadii dadka shacabka ah lagu laayey, isla markaana lala xisaabtamo ciddii mas’uuliyadeeda yeelata, sidoo kalena la saaro guddi baaritaan waafi ah arrintaas ka soo sameeya, si weyn ayaana Raysulwasaaraha loogu mahadceliyey dadaalkiisa iyo mawqifka uu arintaan ka qaatay.

Hadaba, waxaan aaminsanahay in ciddii dambigaasi ku caddaado sharciga la horkeeno, wasiirada shahaadatu zuurka iyo marin habaabinta umadda shaqada ka dhigtayna ayagana umadda laga hor-wareejiyo.