Hambalyo Ilaahayna ha badbaadsho geesiga weyn ee halgamaaga soomaaliyeed ah C/kariim Sh. Muuse (Qalbi-dhagax) oo mar kale holciyey qiiradii waddaninimo ee ummadda soomaaliyeed.Walaalayaal  soomaaliyeey, waxa ina gaarey oo ina helay iyo godka dheer oo mugdiga ah oo guntiisa hoose aan ku dhacnay iyo sida dalkeennii u burburay; sida dadkeennii u firdhay; sida niyaddeennii u jabtay; sida fahamkeennii u qaldamay; sida fikirkeennii u guray; sida qalbigeennii u habsaday; sida mooralkeennii u liicay; sida caqligeennii u liciifay; sida cududdeennii u nuxuustay; sida cadowgeennii u mamay; sida dhallinteennii u dhuntay; sida baddu inoo cunayso tahriibta; sida loo sumaynayo berrigeennii iyo baddeennii; sida khayraadkeennii nacabku u boobayo; sida dhirteennii loo baabbi’inayo oo dhulkeennii loo xaalufiyey, sida boqorro kibrey uga raranayaan maraakiib dhuxul ah; sida dheddigii xoolaheenna ay u dhoofsanayaan.

 

Sida dhallinteennii ay u dhaawacantay oo dhinac walba ay ugu dhimanayso; mid is qarxiya, mid badda ku dhaca, mid burcad badeed ku dhuma iyo mid nolosha ka dhacaba; sida ciidankeennii u burburay; sida dhulkii iyo baddii uu dhawri jirey loo dhacayo oo loola wareegay; sida calankeennii dhulka u yaal; sida lacagteennii u dhimatay; sida magaceennii u ba’ay; sida aan balasle u nahay meel walba adduunka oo aan u bahdilan-nahay; sida nafteennii aan u nacnay; sida aan innagu isu nacnay magaceen iyo muuqeenba; sida maankeennii u kala tegey oo aan u kala maqannahay; sida midkii ina dhacay misna u leeyahay anaa wax idiin dhicinaya; sida diintii inooka burbudhay oo culimmadii la isugu diray; sida afkeennii loo diley oo luqaddeennii loo dumiyey; sida dhaqankii u dulloobey oo dammiirkeennii u xumaaday; sida dhankii la eegaba aan u dunney oo dhulka u naal; sida.. sida.. sida…

Walaalayaal soomaaliyeey siyaalaha ina haysta iyo waxa aan ku sugannahay oo aan tilmaan iyo sifo ka-bixin cidina ku soo koobi karayn, inaan si sahlan uga baxnana Ilaahay inoo awoodi karo, laakiin ay ku xiran tahay inaynu isxilqaanno oo sida dhaamanno mintidna aan la nimaadno iyo dhabar-adayg aan ku jiirno derbiyada adag iyo caqabadaha inaku gudban. Haddii aynaan walaalayaal si fiican u fahmin oo u fiirsan xaqiiqada nolosha adduunyadaan aan maanta ku noollahay oo la is-shiidayo, ciddii shurbad noqotana la cabbahayo. Haddii aynaan taas u fiirsan oo markaas innagu isku hilbo diririn oo aynaan dhiidhi iyo dhabar-adayg la imaan iyo hiyikac ujeeddo durugsan leh, dhexdeennana walaalo ka noqon isku ficil iyo isku qalbi iyo isku yool ah. Haddii aynaan sidaas yeelin oo xooggeenna iyo caqligeenna iyo xoolaheenna midayn oo isu gayn, dhiiggeenna iyo maalkeennana isku dhinac u jahayn.

Haddii aynaan mar kale calan gobannimo kor u qaadin, caadaqaate iyo dabraac oo dhanna cagta marin; haddii aynaan garan in labada walaalaha ah ama isdhalay ama isu seeddiga yo xididka ahu u kala baxaan waddani iyo biiriqaate oo isqabtaan iyagu, waddaniguna israadsado ogaadaanna inay iyagu dhab ahaan walaalo yihiin waajibkii dalkuna sugayo iyaga iyo badbaadintii ummaddu. Haddii aynaan abuurin hayb heer Qaran iyo ummadnimo ah abtirkeeduna yahay afkeenna hooyo, diinteenna, dalkeenniyo midabkeenna. Haddii aynaan la imaan han iyo ficilo iyo hayb halkaas gaarsiisan oo inaka saarta korna inooka qaadda midda hoose oo tafaraaruqa abtirkeedu yahay iyo badawnimada; midda hoose oo haddii albaabkeeda la furo aan xad celiya oo danbe iyo xal toonna lahayn ee gaaraysa inay labo qof oo kasta kala geyso, ilaa ay labo walaalo ah bah ku kala saarto, labadii isku bah ahna kanaa weyn iyo kanaa yar ku kala geyso.

Walaalayaal ummaddaydiiyeey, haddii aynaan mar kale dib u dhalin kacaankii gobannimo ee SYL oo kale, oo aynaan jiirin qabyaaladda iyo qurunkeeda inala degay oo jabkeenna iyo firdhinteenna cadowgeennu u adeegsadey. Haddii aynaan biiriqaataha qaawin iyo jaga-doonka qaayibey dhaqanxumada iyo cabbidda dhiigga ummaddiisa. Haddii aynaan qaawin gumaystaha iyo ajnebi-u adeegaha oo idil. Haddii aynaan eryin oo iska qaban laba-shaarlaha marna soomaaliga noo ah oo afkeeniyo midabkeennii leh, marna isticmaarka xambaarsan iyo u adeegga ajnebiga, oo jabinteeniyo hooggeenna u taagan iyo boobka hantideeniyo bixinta sirteenna.

 

Waxaas qashinka ah haddii aynaan iska xaaqin xigsigoodana ceeb laga dhigin iyo wax canbaaraysan, iyaga iyo wax la wadaaggoodaba. Haddii aan kuwaas la takoorin oo aabbihii ama odaygii biiriqaate ah wiilkiisu ku kicin iyo gabadhiisa, walaalkiis, xaaskiisa iyo cid kastoo wax la ahuba, oo aan laga celin khaladkiisa, kii diidana aan lagu canbaarayn oo la takoorin sheegadkoodana laga cararin iyo ag istaaggooda. Haddii aan wadaadka tafaraaruqa diineed wada lagu kicin oo dadkii sii kala qaybinaya, iyo wixii firqo iyo kala saar diineed wada oo idil, dadkana aan islaannimo guud la isugu gayn oo taas aan la isugu hiillin.

Walaalayaal haddii aynaan dhulka iska qaadin oo dulliga ina saaran oo ina haysta aynaan iska rogin, asbaabihiisa iyo waxyaalaha keenahayana la tilmaamin oo farta lagu fiiqin. Haddii aynaan garan inaan isku doon wada saarannahay oo kii daloolinaya aynaan wada qaban, kii ina hafinayana aynaan ka hortagin kulligeen sow isla dhumimaynno?!! Walaalkaa ama aabbahaa, ina adeerkaa ama odaygaaga, wadaadkaaga ama seeddigaa ama soddoggaaba, haddii uu doontii aan wada saarnayn daloolinayo sow inaad qabatid ma aha oo markaas lagula qabto, maxaad ula safanaysaa?!!

Kii madaxda ahaa haddii uu khaa’in noqdo isagoo xigto kuu ah oo dalkii iyo ummaddii boobahayo, sirtii dalkana bixinahayo, dadkiina isku dirayo, doontii la saarnaana daloolinayo oo kulligeen ina dhuminayo, maxaad ula safanaysaa sow inaad qabatid ma aha oo lagula qabto?!! Adigoo arkahaya qofkaagii oo waxbi’inaya, sow inaad ka qabatid waxbi’inta ma aha oo lagula qabto?!! Maxaynu markhaati uga nahay oo u daawanaynnaa dalkeennii iyo dadkeennii oo sii dhumaya iyo doontii oo inala degaysa?!! Ajnebigii dhulkaaga gumaystey oo dhacay wax ma kuu dhiciyaa??!! Dhayal iyo dheeldheel miyaa waxa dhacaya oo horteenna ka muuqdaa, mise waa dhoohannahay oo ummad dhumitaan iyo halaag loo qoray baan nahay??!! Dhallinyaradii iyo ubixii dhulkeenna oo badda ku dhacaya oo ku baabba’ayaa, ma iyagaa dhoohan oo waalan mise dhabta iyo sida taal bay dheehdeen oo qaxa ku dhalisay?!
***

Soomaaliyeey ummaddaydiiyeey walaalayaal ha niyadjabina, ha nuglaannina, ha isdhiibina hankiinnuna yuusan hoos u dhicin, ogaadana ummad baad tihiine. Ummad kacday waa buur dhaqaaqday oo kale, cid celin kartaana ma jirto Ilaah mooyee; waa sidii badweyn iyo suunaami oodda soo jabsatay oo wax ka hortagi kara aan la arag Alle mooyee. isdoonta, israadsada, isku xirma, waddaniyiinta isu xula, indheergaradka isu xula nooc walba, dhallinyarada isku xira, hooyooyinka isku xira, gabdhaha isku xira, culimmada isku xira, aqoonyahanka isku xira, shaqaalaha iyo xoogsatada isku xira iyo qorrax-joogga, ciidammada isku xira, saraakiisha isku xira, saxaafadda isku xira.

Kaca oo is-abaabula, olole qaada oo haldoorka isu raadiya oo isku xirma idinkoo aan cidi idin wadin cidna aan wax ka sugayn Ilaah mooyee. Goob walba iyo meel walba isxilqaama iyo deegaan kasta iyo si walba iyo heer walba, gudo iyo dibadba. Bixiya maalkiinna, bixiya maskaxdiinna, bixiya muruqiinna, cududdiinna iyo wakhtigiinnaba oo dalkiinna iyo aayihiinna wax u quura oo waxwalba u hura. Iskaashada oo isku duubma oo isku xirma, oo waad heli kartaan sidaas ee hawaysta oo isku daya oo hankiinna iyo qiiradiinna kor u qaada. Bixiya cilmiga, bixiya caqliga, bixiya haldoorka oo daacadda soo saara, isuna doona waddaniga qarsoomay oo kala lumay, oo isbila ummad yahay oo kor u kaca oo horistaaga rogmashada iyo waddada halaagga ee la hayo, iskana daba qabta haadaanta laga sii hoobanayo oo dal, diin iyo dadnimo wax harayaa aysan jirin.

Qabqabta tuugada oo ku kaca oo canbaareeya oo ku qayliya oo erya oo diida oo ka horimaada oo naca oo uf dhahaya dhaqankooda xun. Muxuu yahay dalkaan iyo ummaddaan gumaystihii shalay qaybiyey oo dhibaateeyey maamulayo oo ku dhex jiro? Maxay tahay bulshadaan aayaheedii oo sii burburaya iska daawanaysa oo bahalka iyo waraabuhu boobahayo? Ummaddaan belaayada u kulantay markhaatiga uun ka ah iyo maragga oo iska fiirsanaysa?!!

War dhaqanxumada iyo fasahaadka ku kaca, oo tuugada ku qayliya oo fogeeya oo iska erya iyo waxbi’iyeenka, wuxu waa sidii tukayaal oo kale oo kal wax yiraahda u baahane, ajnebiga ku adeeganaya oo ka shisheeyaana waa wax ku daaban iyaga korkoodana fuushan oo aan dhulka iyo dalka xidid ku lahayn, inuu ku lahaadana aan xaq u lahayne. Maxaan u aammusan-nahay? Maxaan dhawraynnaa? Maxaan sugaynnaa? Maxaa inoo soo socda? Yaa inoo maqan oo aan isku hallaynaynnaa? Dalkeennii iyo qarankeennii waa dhumayaan, dhasheenniina waa baabba’aysaa oo badday ku dhammaadeen iyo burcad iyo isqarxin, dhulkiina la inaka qaad bad iyo berriba, sunna waa laga buuxshey ee maxaan sugaynnaa oo u farfadhinaa?!! !!

Labaatan jirka hanaqaaday, soddon jirka buuxa, afartan jirka gaammurey, konton jirka aan caqli iyo cimri u kordhaa u harsanayn, lixdan jirka iyo toddobaatan jirka jooga xilligii la oran jirey “maxaan u soo joogey” oo talo looga aayi jirey iyo khibrad iyo waayo-aragnimo; intaas oo iska taagtaagan oo seexanaya oo soo toosaya, oo aan dalkoodii waxba iska weydiinayn iyo diintoodii, aayihii ubadkoodii iyo dumarkoodii toonna; iyagoo misna arkaya dalkoodii oo gacantoodii ka sii baxaya oo bad iyo berriba la boobahayo sunna laga buuxinayo, ummaddoodiina baabba’ayso oo bar waasha oo buufis ku faafay iyo bar qaxaya oo badda ku daata, bar le’anaya oo suntii kansar u baabba’aya iyo belaayo iyo cudurro aan la aqoon jirin…

Nimanka sidaas u jeeda oo arkahaya oo aqoonyahanka leh iyo ditoorrada, oo shiikhyada leh iyo culimmada, oo saraakiisha iyo ciidanka leh, oo isimmada leh, oo duqayda qabiilada leh, oo nin garboodka leh, oo dhallinyarada leh, oo midka gabya iyo midka heesaba leh, oo wixii rag ahaan jireyba isugu jira; nimanka caynkaas ah oo intaas oo nooc leh, oo misna iska taagtaagan oo aad looxyada mooddid iyo alwaaxda la tiirtiirshey, tolow maxaa haya oo ay qabaan oo la sheegi karaa??!!

Ma sixran yihiin? Ma baqahayaan? Ma madaxaa looga jiraa? Ma wareersan yihiin oo waxba waa garan waayeen? Maxaa haya oo sida ay ku sugan yihiin ku kallifaya? Maxay garan waayeen oo la maahsan yihiin? Ma dalka idinkaa leh bay garan waayeen?! Ma dalka idinkaa rag u ah bay garan waayeen? Ma talada dalkiinna idinkaa leh bay garan waayeen? Ma dumarka iyo carruurta baabba’ay idinkay idin sugayaan oo masuulka ka ah ragna u ah bay garan waayeen iyo dhirta la jarayo iyo dheddiga la dhoofinayo, badda iyo dhulka la boobahayo oo ajnebigu galoo baxayo iyo bahalka isugu yeertay?

Ma dawladnimadii bay garan waayeen oo macnaheediiba ka lumay iyo qarannimo wixii ay ahayd? Dawladnimadu sow ma aha iyagoo degaanka Ilaahay dhulka kaga uumay ilaashada bad iyo berri iyo hawaba, xeer iyo qaynuun ay heshiis ku yihiin oo ku wada noolaadaanna u yeesha, cid xeerkaas fulisana u samaysta oo horumarkooda ka shaqaysa? Dawladnimo iyo dal iyo qarannimo waa intaase, nimankaan taagtaaganu ma intaasay garan waayeen mise wax kalaa cidi ka rabtey? Waxaase ragga looxyada noqday igala yaab badan haweenka iyagoo hoogey oo dayac ka dhergey u jooga guryaha!! Naa magiciin bi’iwaaye kiciya waxaan dulloobey oo ku qayliya rag ma haysaane; oo isu diida oo gogosha ha u goglina waxna ha u karinnina ee ku kaca; ubadkiinnii dhun idinkuna dayac iyo qorrax baad ku dhammaateen, dalkiinniina la idinka dhac ee maxaad dhawranaysaan? Baroordiiqa oo bannaanka u baxa oo dhiga tacsidii nimankiinna, waa dhinteen iyagoo nool-noole.. ma rag qaarad kale jira buu idiin qoray Ilaahay??

 

W/Q: C/risaaq Cabdi Daad