Golaha Wasiirrada ayaa maanta waxa ay soo bandhigeen sababihii ku kalifay dhiibista Cabdikariim Qalbi Dhagax iyo heshiisyo la sheegay in ay saxiixdey dowladii ka horeysay gaar ahaan wasiirro ka tirsanaa xukuumadda federaalka ah, haddaba arrintaas ayaa waxa ay u noqotey niyad jab weyn oo shaki dulsaari karta caqliyadda iyo siyaabaha ay u fekeraan siyaasiinta iyo Maamul goboleedyada soomaalida marka ay heshiisyada caalamiga iyo shirarka adduunka ku metalayaan dowladda soomaaliya.

Tuhunka ayaa markii ugu horeysay soo baxay markii uu hadlay Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo sheegay in dowladda itoobiya ay heshiis hore la gashay siyaasiin uu ka mid ahaa Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad June 7, 2015 oo lagu saxiixey Magaaladda Jigjiga kaas oo qodobkiisa 7-aad uu cadeyno iskaashi amni ee dhinaca la dagaalanka argagixisada caalamiga ah oo ay ku jirto jabhada ONLF

1- Matelaada Qabiilka iyo Qaranka: Dhamaan heshiisyada ay la saxiixdaan masuuliyiinta soomaalida waxa ay yeelanayaan saameyn qaran maahan saameyn qabiil sida uu ku doodey Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo sheegay in uu ku matelaayey heshiiskaas qabiilkiisa isaga oo ah Wasiir dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ahna xildhibaan qaran, Waxaa u baahn in la ogaado dowladuhu lama macaamilaan qabaa’il ee waxa ay heshiiska la galaan masuuliyiinta loo doortey hogaanka siyaasada awooda u leh in ay galaan heshiis caalami ah.

2- Jiheynta Siyaasada Arrimaha Dibedda: Waxa dulduleel badan ka muuqdaa Wasiirrada aan sida ka fiirsiga lahayn oo dhiiranaan ka muuqa u saxiixa heshiisyada ayaga oo tashi go’aan ama farsamo dib dambe ugu celinin xukuumaddii iyo dowladdii ay metelayeen kana fiirsan saameynta dambe ee uu ku yeelan karo qaranka sida heshiiskii badda oo kale taas oo u baahan in la helo jiheyn wanaagsan oo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Arrimaha dibedda oo si wanaagsan u qeexda awooda wasiirrada iyo wakiilada u saxiixa heshiiska heshiisyada marka ay soo dhamaadaan

3- Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe: sida uu dhigayo nidaamka federaalka ah iyo dastuurka sida KMG ah loo ansixiyey ee soomaaliya xukuumada dhexe ayaa masuul ka ah siyaasada arrimaha dibeda sidaa si lamid ah waxa aan aragnay in heshiiska uu la saxiixdey xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxaa la dhinaca kale u saxiixey heshiiskaan dowladda Federaalka ah ee Itoobiya Danjire Shamsudiin Axmed Rooble oo uga wakiil ahaa Wasaaradda Arrimaha dibeda Itoobiya dhamaynta iyo saxiixa heshiiskaas waana midaas tan keentay in uu saxiixi waayey dhinaca itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, taas oo ah cashar muhiim u ah maamul goboleedyada in ay fahmaan awoodaha dowladda dhexe iyo tan federaalka ah.

4- Habraaca heshiiyadda Caalamiga ah: Waxaa muhiim ah in dib loo ansixiyo loona qiimeeyo habraaca xukuumada ee heshiisyada caalamiga ah oo qaarkood u baahan ansixinta golaha wasiirrada halka qaarkoodna ay muhiim u tahay in uu ansixiyo baarlmaanka JFS, iyo saxiixa Madaxweynaha JFS, habraaca ayaa waxa uu kala cadeynayaa nidaamka ansixinta heshiisyada caalamiga ah ee samaaynta dambe yeelan kara.

5- Beeneey Waa Run: Siyaasiinta soomaalida waa in ay ogaadaan in si kasta oo loo soo gashto shaati qaranimo ama ajande qarsoon oo shacabka loogu qaldo in ugu dambeysta ay kadaba imaan doonto xaqiiqda oo socoto taas oo aan cudurdaar u noqon karin marka ay timaado

6- Muhiimada dib u eegista heshiisyadii hore: Waxaa muhiim ah in xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ay isku xilsaarto dib eegista heshiisyadii hore ay galeen masuuliyiintii hore haddii loo baahdo.

7- Helitaanka diiwaanka qaran ee heshiisyada caalamiga ah: Waxaa muhiim ah in Wasaarrada Arrimaha dibeda ay ka howlgesho sidii loo heli lahaa diiwan qaran (archive) ay ku keydsan yihiin dhamaan heshiisyadii caalamiga ahaa ee ay maalin weliba saxiixaan wasiirrada tan 1991-kii kuwaas oo haddii kale noqon kara uurkutaalo hortaala mustaqbalk umadda soomaaliyeed.