Wararka ka imanaaya Magaalada Beled xaawo ayaa waxay sheegayaan in Dagaal culus uu aroortii hore  ka qarxay Magaalada

Dadka degaanka ayaa sheegay in ururka Al-Shabaab oo adeesanaya baabuur walxaxa qarxa laga soo buuxiyay ay ku soo qaadeen weerar saldhig militeri oo ku yaalla bariga magaalada.

Qaraxa kaddibna waxaa magaalada ka billawday dagaal culus oo ku fiday bartamaha magaalada.

Ururka Al-Shabaab ayaa mar sii horaysay sheegay in ay gebi ahaanba la wareegeen magaalada, balse wararkii u dambeeyay ee magaalada waxay sheegayaan in ay Shabaab isaga baxeen magaalada.

Ciidammada Kenya ayaa lagu soo warramayaa in ay ka tallaabeen xadka oo ay gudaha u galeen Beled Xaawo, ciidammadii magaalada laga saarayna ee dawladda ayaa iyagana lagu soo warramayaa in ay soo laabteen.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dagaalku uu u jihaystay dhanka magaalada Mandheera ee ay xadka leeyiihin.

Taliyaha booliiska Mandheera, Frederick Shisia ayaa xaqiijiyay in booliiska Kenya iyo Al-shabaab ay isku rasaaseeyeen xadka.