Xildhibaanada Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Jamhuuriaydda federaaliga ah ayaa maanta isugu imaanaya fadhigii u horeeyey tan iyo markii uu baaqdey fadhigii hore ee sabtidii la soo dhaafey. Ajndaha u weyn ee Xildhibaanada Baarlamaanka horyaala ayaa ah waxay ka yeelayaan go’aanka Dowladda federaalku ka gaartey Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-Dhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa Jamhadda ONLF.

Arrinta Qalbi-Dhagax ayaa Xildhibaanadu ku kala aragti duwan yihiin waxaana ay u qaybsan saddex qaybood oo kala ah:

Qolo difaacaysa xukuumadda una aragta go’aanka xukuumadda mid sax ah
Qolo ka soo horjeeda una aragta in lagu xadgudbey xuquuqda muqaadin Soomaaliyeed
Qolo kale oo u aragta in ay arrinta Qalbi-Dhagax ku gaaraan dano siyaasadeed oo gaar nu ah.