Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in hadda loo fadhiyo Shir aad Xasaasi u ah Oo ay isku horfadhiyaan Ganacsatadii Magaalada Boosaaso Oo Aad u Caraysan Iyo Madaxweynaha   Puntland Abdiwali Gaas.

Shirkan ayaa looga hadali doonaa Sicir-bararka Lacagta Faalsada Cabduwali keenay Iyo Mashruuca Khiyaano Qaran Ee DP-World.

Ganacsatada iyo Shacabkuba waxay doonayaa in gebi ahaanba lajoojiyo Makiinada Daabacda lacagta Faalsada ah ee A4 ka ah oo jaahwareerisay dhamaanba Dalka.

Shacabka iyo Qurbajoogta Pubtland ayaa aaminsan in Madaxweyne Gaas uu dayacay mas uuliyadii loo dhaariyey hogaaminta Dalka iyo dadka iyo weliba Amniga iyo dhaqaalihii Dalka.

Waxaa kaloo aad loo eedeenayaa Guddoomiye K/xigeenka kowaad  Barlamaanka Puntland Mudane C/xamiid sheekh Cabdisalaan in uu  kamid yahay dadka lunsaday hantidii Shacabka iyo welibatii Dowlada.