Dawlada boqortooyada Suçuudiga ayaa maxkamad soo taagtay afar qof oo ajnebi ah kuwaas oo lagu helay in ay cusbitaalada Sucuudiga ka iibinayeen oomo bug ah oo halis ku ah caafimaadka dadka adeegsanaya

Khubaro isku dhaf ah oo ka tirsan wasaaraddaha ganacsiga iyo Caafimaadka Sucuudiga ayaa la geeyay dhisme ku yaal bariga Riyaad halkaas oo lagu farsameeynayay oomadan isla markana lagu shaabadaynayay calaamadaha u gaarka ah shirkadaha caalamiga ah ee oomada farsameeya.

Oomadan ayaa la ogaaday in laga buuxiyay waxyaalo kimiko ah oo iskaba daa in ay bakteeriyada dilaan bal sii faafinaya .

Afartan nin oo ajnebiga ah ayaa lagu xukumay mid lix bilood oo xarig ah iyo in dalka laga musaafuriyo

Hadaba Somaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka sida weyn ay uga macaashaan kooxaha abaabulan ee afrika u soo waarida badeecadaha bugta ah halkaas oo aysan ka jirin nidaam sugan oo lagu baaro badeecadaha soo galaya