Ciidamada badda ee dowladda Puntland ayaa waxaa ay qabteen doonyo hub waday , kuwaa oo ka yimid wadanka Yemen.

Hubka ayaa waxaa la qabtay qaar ka mid ah xilli la doonayay in si qarsoodi ah loo soo geliyo Puntland, waxaana laga qabtay marsadda Mareero ee gobolka Bari.

Taliye kuxigeenka ciidamada badda Puntland ayaa sheegay hubkan in laga keenay wadanka Yemen oo daris dhanka biyaha ah la ah Puntland.