Qoraal u soo gaarsiiyay  Puntlandnews24. Col Maxamed Siciid Yuusuf (Indhocadays) oo ka mid ah Odoyaasha, aqoonyahanada iyo saraakiisha guddiga dadka degaanku u xilsaareen ilaalinta dhismayaasha qadiimka ah ee Bosaso iyo heshiiskii Dekeda Bosaso, ayuu kaga jawaabay qoraal oo uu shalay boggiisa Facebooga ku soo daabacay Agaasimaha Madaxtooyada Puntland C/naasir Biixi Soofe, kaasi oo uu ku tilmaamay mid aflagaado iyo meel-kadhac ku ah odoyaal ka mid ah asaasayaashii Puntland.

Qoraalka oo uu cinwaan uga dhigay Taladaan la ruugin waa lagu rafaada  ayaa u qornaa sidatan.

Agaasime Cabdinaasir Biixi waxaa uu ku dhashay kana soo jeedaa Itoobiya
Agaasime Cabdinaasir Biixi waxaa uu ku dhashay kana soo jeedaa Itoobiya

Qoraal Fecebuuga lagu faafiyey 22/9/2017, oo ka soo baxay Madaxtooyada Bosaso, waxaa lagu af-la-gaadeeyay muwaadiniin dan guud ka hadlay oo ka mid ah odayaashii asaasayaasha u ahaa  dhismaha Puntland 1998, hanti badanina ku baxshay, laf dhabar u ah  jiritaanka Puntland, ma ogolaanayaan burburka Puntland. Abaalkoodu ma aha in loo muujiyo niman diidan Horumarka dalka.

Arrintaasi waxay inna xusuusinaysaa Jannaayo 1991, kuwii ku diri jiray Maxamed Siyaad dadka, waxay noqdeen kuwii ugu hor cararay markii lagu kacay rajiimkii fashalay.

Marka warka magaca madaxtooyada lagu faafiyey waa fitno iyo isku dir heer hoose ah oo lagu kala fogeynayo shacabka Puntland iyo madaxdooda.

Waxaan bulshadu raalli ka ahayn cid samayn kartaa ma jirto.

Hoos ka akhriso qoraalka uu agaasimaha madaxtooyada Cabdinaasir Biixi uu  ku aflagaadeeyey odayaasha Bosaso, waxaana xusid mudan inuu isagu yahay nin qurbe jooga ah oo aan hanti iyo ganacsi midna aan ku haysan magaalada oo uu dadkeedu uu u gafayo!

Aloow na astur.Geed shir iyadoo la fadhiyo ayaa nin inta booday oo buraashadiisii qaatay buu yiri war duhurkii waa…

Posted by Abdinasir Bihi on Friday, September 22, 2017