Magaalada Hargeysa waxaa tegay wafdi ka socda Jamhuuriyada aan la aqoonsaneyn ee liberland, waxaa qaabilay oo kulan la qaatay wafdigan Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Seylici oo ay weheliyaan xubno ka tirsan Golaha Wasiirada.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland waxaa lagu sheegay in madaxda labada dhinac isla qaateen in layska kaashado hanaanka horumarka iyo raadinta Ictiraaf Caalami ah oo ay helaan labada waddan si ay uga mid noqdaan Dalalka Adduunka.

Liberland waa Jamhuuriyad iskeed iskugu magacowday inay tahay dal madax banaan, laakiin weli aduunku ma aqoonsana waxay u dhexeysa wadamada Croatia iyo Serbia.

Wadanka ayaa ah jasiirad u dhaxaysa wadamada Croatia iyo Serbia ee Yurub-ta fog.