Kadib markii la weydiiyey danta ugu jirta dowladda Emirates-ka inay lacag dhan $336 Million oo dollar ku kharash gareeyaan dekedda magaalada Bosaso, Madaxweyne Cabdiweli M. Cali Gaas wuxuu jawaab uga dhigay waxaan umalaynayaa nimankaasu inay noo il-duufeen, yaa lacag intaas le’eg dekedda Bosaso ku maal-gashanaya?

Waxaa nasiib darro ah in aqoonyahankii sheeganayey inuu ku xeel dheeryahay dhaqaalaha in uu maantay dadkii iyo dalkii uu wax usoo bartay uu ka xishoon waayey isagoo meeshii uu aqoontiisa uga samata bixin lahaa umada reer Puntland uu ugacan galiyey halkii il ee dhaqaale dowlad shisheeye, taas oo doonaysa inay gacanta ku dhigto dhamaan dekedaha ku yaal gacanka Cadan, si aysan carqalad ugalin dekedaha Imaaraadka, kuwaas oo markii loo barbar dhigo dekedaha ay kamid yihiin Cadan, Berbera iyo Bosaso ay yihiin kuwo ku yaal meel laga strategy-sanyahay.

Waxaa xusid mudan in qiyaastii dhaqaalaha dunida 12% ay maraan gacanka Cadan, sidoo kale maalin walba ay halkaas maraan 4 malyan oo fuusto oo shidaal ah.

Hadaba si ganacsigaas xoogga leh aysan uga faa’ideysan mustaqbalka dhow iyo kan fog dowladda Imaaraadka ayaa waxay isku dayaysaa inay awood ku qabsato dowladaha kulaala gacanka Cadan sida Ereteriya, Yemen, iyo Soomaaliya.

Sanadkii 2008 ayaa sidaasoo kale Imaaraadku waxay adduun dhan $1 Billion oo dollar waxay kula wareegeen dekedda magaalada Cadan, taas oo dhaqaale bur-bur weyn usoo jiidday dalka Yemen, Isla sanadkan Imaaraadku waxay dekedaha Berbera kula wareegeen $446 million oo dollar, halka ay Bosaso kula wareegeen $336 million oo dollar muddo sodon sano ah waxaana intaa dheer in 140 KM oo dhul xeebeedka badda cas ee Puntland uu heshiiskaasu qorayo inaysan dowladda Puntland wax deked ah ka hirgelin karin, Berbera ayaa haatan waxaa kasoo leexday doomo xannibaad kala kulmay dekedda Berbera oo kusugan xeebta magaalada Bosaso.

Dadka reer Puntland, gaar ahaan ganacsatada iyo aqoonyahanka waa inay arintan gaashaanka udaruuraan oo aysan gacan galin dhaqaalaha Puntland ee hada haysta xornimada buuxda, sidoo kalena aysan dhaafin fursadaha iman kara ee la xiriira halka ay ku taal dekedda Bosaso.

Maadaama Dowladu qarisay heshiishkii ay lagashay shirka DP PORT

#Dekeda_Bosaso