Madaxweyne K/xigeenka Puntland C/xakiim Xaaji cumar Camey ayaa ku tilmaamay shirka lagu baaqay in Kismaayo lagu qabto ee Madaxweynayaasha maamul goboleedyada inuu yahay mid aan maslaxadi ugu jirin dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Shirkan oo uu ku baaqay Madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe, ayuu madaxweyne K/xigeenku ku baaqay  in dib loo dhigo, oo dhinacyada wax tabanaya iyo dowladda Federaalku ay shir isugu yimaadaan Magaaladda Muqdisho oo la xaliyo waxyaabaha la isku khilaafsan yahay.

Madaxweyne Gaas oo ka hadlay shirka Kismaayo Dhegayso: