Warar naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya inuu iscasilay taliyihii ciidamada militariga ee dowladda faderaalka oo iyagu ku kooban gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Taliye  Jen. Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid)  ayaa xilkaan soo hayay muddo kooban, waxaana horay u magacaabay madaxwaynaha dowladda faderaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.

Golaha wasiirada ayaa u magacaabay taliyaha cusub ee bedelaya Gen Cirfiid, Jen. Cabdi Jaamac Warsame.