Wasiirkii gaashaandhiga ee dowladdda faderaalka Soomaaliya Cabdirashiid Cabdilaahi ayaa iska casilay xilkii uu ka hayay dowladda wax yar kadib markii uu iscasilay taliyihii ciidamada xoogga.

Lama oga sababta uu isku casilay, laakiin golaha wasiirada ayaa galabta magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada militariga ee badalaya taliyihii iscasilay.