Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyay soona dhoweeyey duqayntii diyaaradaha dagaalka ee dowladda Mareykanka ka fuliyeen buuralayda degmada Qandala ee gobolka Bari oo ay ku dhuumaalaysanayaan kooxda Daacish ee Soomaaliya.

Madaxwaynaha ayaa sheegay duqayntaasi Jicmihii oo bartilmaameedkeedu ahaa hogaamiyaha kooxdaasi balse uu ka badbaaday sida ay xaqiijiyeen hay’adaha ammaanka ee Puntland.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay dagaalada Al-shabaab iyo Daacish in lagu soo afjari karo taageero loo fidiyo ciidamada.