Waxaa doorasho kadhacday xarunta QM ee magaalada Newyork ee dalka Mareykanka mar kalle loogu doortay inuu noqdo garsooraha maxkamadda calaadda adduunka ee Hugue Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo sidoo kalena ah madaxwayne kuxigeenka maxkamaddaasi.

Cabdiqawi Axmed ayaa helay codad 42- xubnood, waana muwaadin Soomaaliyeed oo ka mid ah sharciyaqaanada adduunka ee sida wayn loogu tixgeliyo, waxaana uu ka mid ahaa aasaasayaashii xeerkii Puntland ay ku shaqaynaysay kadib dhismaheedii.

 

Taariiqdiisa oo kooban Xaakim Cabdulqawi Axmed Yusuf

Xaakim Cabdulqawi Axmed Yuusuf waxa uu ku dhashay magaalada Eyl 12kii September 1948. Waxa uu waxbarashadiisii hoose dhexe illaa heer Jaamacadeed ku soo dhamaystay dalka Soomaaliya isagoo ka qalin jebiyay Jaamacada Ummada waxana uu waxbarashadiisii taqasusiga ku soo qaatay jaamacad ku taal Florence dalka Talyaaniga. Xaakimka ayaa ku hadla luqadaha Somali,Carabi,English,French iyo luqada Talyaaniga.

Xaakim Yuusuf ayaa waxaa uu hore u soo qabtay xilal caalami ah waxaana ka mid ah:

March 2001-January 2009 La taliyaha arrimaha sharciga ee hay’ada UNESCO.

1994–1998 waxa uu ahaa La taliyaha arrimaha sharciga iyo kaaliyaha agaasimaha guud ee arrimaha Africa hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan horumarinta warshadaha(UNIDO).

1998–2001 Wakiilka iyo madaxa xafiiska New York ee ururka Shirweynaha ganacsiga iyo horumarinta (UNCTAD)

1992–1994) Madaxa arrimaha sharciyada ee UNCTAD

1987–1992 Barre Jaamacada Ummada kuliyadeeda Sharciga

1974–1981 Barre Jaamacada Geneva

1981–1983 Guddiga Soomaaliyeed ee shirka 3aad ee Qaramada Midoobay arrimaha sharciga badaha.

Xaakimka ayaa waxa uu buugaag badan ka qoray arrimaha sharciga caalamiga waxana uu ka mid yahay dadka ugu qorista badan ee caalamka wax ka qora arrimaha sharciga.