Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Xeer Madaxweyne Lr- 136 November 13 2017  ayaa loogu magacaabay si kumeel gaar ah degmada Xumbays Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu tixgeliyey:       Aqoontooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.

Markuu tixgeliyey:        Tala soojeedinta Wasaaradda                                            Arrimaha Gudaha Dawladaha                                            Hoose iyo Horumarinta Reer                                              Miyiga.

 

Wuxuu xeeriyey:

 

1.Waxaa Axmed Yuusuf Cusmaan si ku meel gaar ah        loogu magacaabay Guddoomiyaha degmada                    Xumbays.

 

  1. Waxaa Bashiir Maxamed Cali [Galla] si ku meel            gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka     degmada Xumbays.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.