Wararka ka imanaya magaalada Sanca ee xarrunta dalka Yemen ee la xiriira dilka madaxweyne Saalax ayaa ah kuwo is khilaafsan

Ilo wareedyo dinaca maleeshiyada Xuutiyiinta ayaa ku warramaya in la dilay madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdala Saalax waqti uu doonayay inuu ka baxsado magaalada Sanca uuna ku siijeeday xaggaa iyo Ma’rib balse waxaa warkaas si xoogle u beeniyay xubno ka tirsan xisbiga Mutamar Alshacbi ee Madaxweyne Saalax uu guddoomiye u yahay ,waxayna sheegeen in warkaasi uu yahay mid ay dhoo dhoobeen maleeshiyaadka Xuutiyii tu.

Dad goob joogayaal ah ayaa waxa ay u sheegeen wakaalada wararka ee Reuters in maanta Isniinta ay maleeshiyaadka Xuutiyiintu ay qarxiyeen gurigii Cali Cabdala Saalax ee ku yiilay bartamaha magaalada Sanca isla markana aysan garanayn meesha uu ku dameeyay Cali cabdala Saalax si kastaba ha ahaatee warkan wixii ka soo kordha si toos ah ula soco wararkayaga

Like gareey boggan