Madaxweynaha Turkiga Ardogan oo maanta khudbad u jeedinayay xildhibaanada barlamaanka ee xisbigiisa ayaa sheegay inuu uga digayo madaxweynaha Maraykanka inuu ictiraafo Qudus in ay tahay caasimada Israel,isaga oo sheegay in qudus ay muslimiinta u tahay diilin casaan ah oo lama dhaafaan ah.

Madaxweyne Ardogan waxa uu intaa raaciyay in hadii uu madaxweyne Trump uu ictiraafo QUDUS in ay tahay caasimada Israel in tallaabadaas ay keeni karto in Turkigu uu jaro xiriirkii uu la leeyahay Israel.

Waxa kale uu intaas ku daray in markaasna ay dawladda Turkigu qaban qaabin doonto shir uu ururka iskaashiga Islaamka kaga tashan doono sidii mawqif midaysan looga qaadan lahaa tallaabadaas .

Digniinta Ardogan ayaa ku soo aadaysa iyada oo jiraan warar sheegaya in maamulka Trump uu qorshaynayo inuu QUDUS u aqoonsado caasimada Israel.

Hadaba Hadii madaxweyne Trump uu qaado tallaabadaas ma laga yaabaa in hogaamiyaasha dunida islaamku ay ku raacaan Ardogan mawqifkiisa aan gabashada la hayn?