River Thames waa Wabi dhexmarah ama kala qaybiya Magaala London, wuxuuna leeyahay taariikh meelo badan looga faaiidaysan karo. 500 oo sano ka hor, Wabigu wuxuu lahaa hal Buundo oo maanta loo yaqaan London Bridge, waxaana Wabiga labadiisa dhinac Dadka, Alaabta iyo Xamuulka u kala gudbin jirey Xirfadley lagu magacaabi jirey Watermen iyo Lightermen. Watermen wuxuu gudbin jirey Dadka, halka Lightermen gudbin jirey Alaabta iyo Xamuulka. Shaqada Watermen iyo Lightermen waxay ahayd shaqo sharciyadaha baarlamaaniga ah ilaaliyaan isla markaasna horaanta sanadkii 1555, Xirfada Watermen waxaa la barashadeedu qaadan jirey hal sano oo keliya, halka wixii ka dameeyey sanadkii 1603 barashadeedu qaadan jirtey 7 sano. Qarnigii 19aad ayaa Boqortootada Ingiriiska oo uu hogaaminayey Henry VIII waxay gaartey go’aan ah in la dhiso Buundooyink badan si looga gudbo dhibaatada isu socodka labada dhinac ee London. Arinkaas waxaa si aad ah uga hormiyi Watermen, Lightermen iyo Qofkasta oo ay sameyn ku lahayd, waxayna sameeyeen waxkasta oo ay kaga hortegi kareen hirgelinta Buundooyin cusub, iyagoo markaas ka cabsi qabey inay shaqadooda waayi doonaan. Mudaharaadyo, Banaan baxyo iyo Rabshado badan kadib Buundooyinkii waa hirgaleen, waxaana halkaas shaqadoodi ku yaraatay Xirfadleydi shaqadaas qaban jirey. La soco qaybaha dame oo aan ku eegi doono xagee arintan iyo tan Dekeda Bosaso iska shabahaan? Saamaynta technology -ga cusub iyo maxaan ka baran karaa? Kuna darso fekerkaaga inshallaah.

Qore: Eng. Baashi Nuur