Wasirka difaaca dalka Malaysia
Hishamu Diin Xuseen ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Malaysia ay diyaar u yihiin in ay u dhaqaaqaan dhinaca Qudus si ay difaacaan

Wasiirka ayaa shalay Sabtidii khudbad uu u jeediyay xildhibaanada xisbigiisa waxa uu ku tilmaamay go’aanka madaxweyne Trump uu ku ictiraafay Qudus in ay tahay caasimada Israel uu yahay go’aan lagu garaacay muslimiinta

Waxana uu intaa raaciyay in ciidamada Malaysia ay diyaar u yihiin in ay qabtaan hawl gal ay ugu adeegayaan Qudus hadii hogaamiyaasha sare ay soo jeediyaan codsi la xiriira arrintaas.