Dekadda Boosaaso ayaa maalintii labaad si wanaagsan u shaqeyneysa, waxaana ka degaaya dekadda doonyo sida shixnado iyo badeecado kala geddisasan, kadib markii Isimada Puntland, Ganacsatada iyo maamulka Puntland ay heshiis ka gaareen murankii kordhinta khidmadaha dekadda lagu qaadi jirey, Ismimaduna baaq u jeediyeen maamulka.

Sida uu u sheegay Horseed Media sarkaal ka tirsan waaxda cashuuraadka ee dekadda Boosaaso, waxay u shaqeyn sideedi caadiga ahayd, inkasta oo nidaamkii ahaa in doonyo saddex iyo ka badan hal mar la wada dejin jirey aanu jirin.

Qaar kamid ah shacabka Boosaaso oo Warbaahinta la hadley ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan in heshiiskii laga gaarey dekaddu uu shaqeeyey, laakiin ay war ka sugayaan qodobka ah in maamulka Puntland soo bandhigo nuqulka saxda ah ee heshiiska kaas oo fasiraado badan laga bixiyey.

Baarlamaanka Puntland oo heshiiskan ansixiyey ayaa la horgeeyey nuxur kamid ah heshiiska, kaas oo ay ku ansixiyeen si deg-deg ah kadib markii ay qaateen lacag laaluush ah, sida uu warbaahinta u xaqiijiyey midkamid ah Xildhibaanada Puntland,

Ma cadda xiliga maamulka Puntland soo bandhigayaan heshiiska rasmiga ah ee Isimada Puntland ka dalbadeen in la soo bandhigo, iyo waxa Isimadu ka yeelayaan haddii maamulku soo bandhigi waayo heshiiska rasmiga ah.