Qaban qaabo balaaran oo lagu soo dhoweeynayo Madaxweyne Farmaajo ayaa laga dareemayaa Magaalada Garoowe ee Caasimada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xariga ka jari doono garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe halkaasi oo dib u dayactir balaaran lagu sameeyay.

Sidoo Kale Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qaybgali doono Sanadguuradii 4-aad ee ka soo wareegatay Markii uu Madaxweyne Gaas ku guuleeystay madaxweynaha Puntland oo 8-da Bishaan ka dhaceeysa Garoowe.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale waxa uu u safri doonaa Magaalada Qardho halkaasi uu kula kulmi doono Boqor Burhaan Boqor Muuse, Sida ay sheegayaan Wararka hoose ee aan Heleyno.

Madaxweynaha ayaa sida qorshahu yahay waxa uu safarkiisa ku soo gaba gabeeyn doono Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, Walow ay wax iska badali Karaan,

Qaban qaabada Soo dhoweynta Madaxweynaha ayaa si aad ah looga dareemayaa Deegaanada Puntland waxaana sawirka madaxweynaha lagu xardhay magaalooyinka Puntland, oo ay ugu horeyso magaalada caasimada ah ee garoowe,

Waa Markii ugu Horeysay ee uu madaxweyne Farmaajo yimaado Puntland, Tan iyo intii Sanadkii Hore loo doortay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.