Puntland ayaa fasaxday gaadiidkii isaga kala gudbayay magaalooyinka Puntland iyo Somaliland gaar ahaan wadada xiriirisa Laascaanood iyo Garoowe oo shalay la xiray, kadib la wareegiddii ciidamada Somaliland ee deegaanka Tukaraq.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Farawayne ayaa sidaasi u sheegay warbaahinta, isagoona ka gaabdsaday sababta ay go’aankan u qaateen.