Socod dhulka ah oo boqolaal kiilo mitir ah oo dhulka ayuu jaray jaray MW Farmaajo si uu ugu damayn u gaaro Bossaso , isaga oo uu safarka ku weheliyo madaxwaynaha dawlad goboleedka Puntland Prof.Cabdiwali Muxamed Cali Gaas, degma kasta iyo tuulo walba inta u dhaxaysa Garowe iyo Bosaso dadka waa tubnaa iyaga oo aan u aaba yeelin dabaysha iyo qoraxda , waxkasta oo suuragal ah oo ay martida culus kusoo dhawayn kareena sameeyay.

Dhulka baaxadaas leh ee nabadda ah ee MW Farmaako ku safray , oo aanu waligiis arag , waxay siinaysaa kalsooni iyo in aanu u baqin caqabadaha iyo turunturooyinka ,yeeshana geesinimo uu go’aamo adag ku qaato oo horusocod ah.

Bossaso oo ah magaalada ugu dadka badan Puntland , ahna xarunta ganacsiga waxay dhigtay wacadare laga filayay oo aad moodo in cirroole iyo carruur isku dhaarsadeen inaan loo kala harin soo dhawaynta, waxaana lagu tilmaami karaa isu soo bixii kumanaanka kun ama malyanka qof
.
Wacdaraha Bossaso waxa iyana ku dhaarsan inay dhigaan reer Galkacayo , Cadaado , Dhuusamareeb iyo Magalooyinka kale ee uu ku wajahanyahay maalmaha soo socda .

Qabuulka iyo taageerada uu MW Farmaajo helay waa midii ay dadka Soomaaliyeed u muujiyeen 8 February 2017 habeenkii doorashiidasa, sanad ku dhawaad ka dib oo uu talada hayo, uuna la kulmay mucaarad nimo xoogan , waxa ay shacabka sii wadaan taageerada xad dhaafka ah ee ay la garab taaganyihiin Farmaajo iyaga oo aaminsan in aanu tuug ahayn , uuna yahay MW ugu yaraan dareemaya xanuunka ay qabaan , una badantahay inuu qabto hawlo muhiim ah oo horseeda soo celinta haybadii Soomaaliya., warkoodana waxa uu yahay “Farmaajo kaagama bixin ballantii ee adigu ha nooga bixin”. waxqabadyada bilawga ah , gaar ahaan dib u habaynta nidaamka maaliyadda, siyaasadda arrimaah dibadda, dhisidda ciidanka , ayaa loo aanayn karaa sii socoshada taageerada shacabka.

Shacabka sacabada tumayaa waxa ay rajayn in xaalka dalka wanaag alla u bedelo oo ay helaan dawlad Soomaaliyeed oo mar usoo celisha karaamadii iyo shaarftii ay dunida ku lahaayeen, waxay quudaraynayaan inay mar kale arkaan Soomaaliya oo magac iyo maamuus aduunyada ku leh, noqotana dawlad xoog leh oo mar kale ka hana qaada geeska Africa..

Ugu damayn ilaa hadda isu soobaxyada lagu soo dhawaynayo madaxwaynaha ee ay horseedeen reer Puntland waxa uu rajo badan gelin saaxiibada taageeraya soo kabashada dalka , waxa ayna wadna xanuun ku tahay cadawga gudaha iyo dibadda ah ee jecel in godka ay Soomaaliya ku dhacday aanay kasoo bixin.

Xigasho Saalim Said